Soomaaliya ayaa guda gashay marxaladda turxaan bixinta ku saabsan ku biirista ururka Bariga Afrika ee magaciisa loo soo gaabiyo EAC. Dhawaan waxaa Muqdisho tagay xubno isugu jira khubaro iyo farsamayaqaano ka socda dalalka ku bahoobay Daladda Bulshada Bariga Afrika.
Xubnahan ayaa waxa ay qiimeyn ku sameyn doonaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo tacliinta ee Soomaaliya.
Khubaradan oo muddo 10 maalin ah joogi doona Soomaaliya ayaa qiimeyntooda ka dib waxaa ay warbixin u gudbin doonaan noqoshada ururka dalalka Bariga Afrika. Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii.
Dalalka xubnaha ka ah EAC ayaa kala ah: Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, Tanzania, iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga
Muxuu yahay ururka EAC?
Waa urur goboleed xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee Tanzania, kaasoo dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah lixda dal ee uu hadda ka kooban yahay. South Sudan ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa ururkan ku biirtay bishii April ee sanadka.
Soomaaliya ayaa sanadkii 2016 laga diiday codsigeega xubinnimada EAC waxaana ay markale codsi dirsatay sanadkii 2018, ilaa iyo haatanna ma jirto jawaab laga siiyay arrinkaas.
Kenya ayaa kamid ah waddamada ugu awoodda badan ururka, waxaana taageeradeeda ay muhiim u tahay damaca Soomaaliya ee ku biiritaanka EAC.
Maxay Soomaaliya ka faaideysaa ku biiradda ururka?
Waddamada xubnaha ka ah EAC ayaa waxa ay iska kaashadaan dhinacyo khuseeya siyaasadda, ammaanka, difaaca, dhaqaalaha, dhaqanka, tiknoolajiyadda iyo sharciga. Dalalka ayaa ku haminaya inay sameeyaan is dhexgal buuxa oo dhinacyo badan.
Haddii ay Soomaaliya xubin ka noqoto ayaa waxa ay ka faaido doontaa arrimo badan oo ay ka mid tahay dhanka socdaalka iyo ganacsiga.
Axmed Xaanshi oo ka faaaloda arrimaha bariga Afrika ayaa sheegay in Soomaalida ay dan ugu jirto ku biiradda ururka bariga Afrika.
Waxaa uu carabka ku dhuftay arrinta socdaalka oo uu sheegay in muwaadiniinta wata baasaboorada Soomaaliya ay si xor ah ugu safri karaan dalalka xubnaha ka ah ururka bulshada bariga Afrika.
"Qof shaqsiga tusaale ahaan haddii uu leeyahay baasaboorka bariga Afrika meeshuu dono ayuu aadi karaa wadamada bariga Afrika," ayuu yiri Mr Xaanshi.
Mr Xaanshi ayaa sidoo kale sheegay in haddii ay Soomaaliya ku biirto dalalka bariga Afrika ay ganacsatada Soomaalida ah u sahlanaan doonto in ay si xor ah ugu ganacsadaan dalalka bariga Afrika.
"Waxaa jira qaaanuun dhanak dhaqaalaha ah oo uu leeyahay ururka goboleedka bariga afrika taasina waxay siinaysaa dalka Soomaaliya in uu ka qeyb galo suuqa guud ee bariga Afrika," ayuu intaa ku daray.
Waxyaabaha ay sidoo kale Soomaaliya ka faaideyso ku biiradda bariga Afrika ayaa waxaa ka mid ah in ay fariisanayso miiska lagu gaaro go'aanada bariga Afrika islamarkana ay ka doodi karta waxyaabaha aan danta u ahayn dadka dalka soomaaliya.
"Waxa ay qeyb ka noqonayaan baarlamaanka bariga afrika, meesha lagu shirayo ayaad fadhida waxa qaldan waad toosin kartaa oo ay dhihi karaan tanna naga daaya tanna naga yeela," ayuu yiri Mr Xaanshi.
Mr Axmed Xaanshi ayaa dhanka kale sheegay in maaxda Soomaalida looga baahan yahay in ay dalkooda hagaajiyaan si ay uga soo baxaan shuruudaha ku biiridda wadamada bariga Afrika.
Soomaaliya waxaa jira shuruudo yaryar oo ay tahayy in ay ka godobto ileen meesha bilaa shuruud lama galayo, Soomaaiya dowladnnimo ayaa laga rabaa , dhulkeeda in uu nabad yahay ayaa laga rabaa, muwaaqif siyaasadeed oo ku biya shubata bariga Afrika ayaa laga rabaa, ayuu yiri Mr Xaanshi.
waxaa qoray warbixintaan wariye ayaanle 24
0 Comments