MUQDISHO (ayaanle wadani) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo saaka ka dhacay xerada Kuliyadda Jaalle Siyaad oo ku taalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.
Qaraxa ayaa waxaa fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa oo dhex tegay ciidan ka tirsan guutada 14-ka October oo ku sugnaa xerada, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.
Ciidamada ayaa xilliga uu qaraxu dhacayay ku jiray saf dheer, waxaana mar qura dhacay qarax culus oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.
Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana haatan socda baaritaano ay wadaan ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay in ka badan 20 askari, halka ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kasii badan.
Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaanka dari ee ka dhacaya gudaha caasimadda, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo dilal qorsheysan intaba.
0 Comments