Ticker

6/recent/ticker-posts

2 qof oo ku dhintay weerar ka dhacay Lamu

Waxaa lagu soo warramayaa in weerar laga gaystay ismaamulka Lamu ay ku dhinteen labo qof halka 10 kalena ay ku dhaawacmeen.
Koox looga shakisan yahay Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore ee maanta rasaas ku fureen gaari marayay meel u dhow deegaanka hoose ee Nyongoro ee waddada isu xirta ismaamulka Lamu iyo deegaan baarlamaaneedka Garsen oo ka tirsan dowlad deegaanka Tana River.
Kariuki Njagaa oo ah wakiilka laga soo soo doortay deegaanka hoose ee Hindi ee ismaamulka Lamu ayaa ka mid ah dadka waxyeellada ka soo gaartay weerarkan.
Wararka ayaa intaasi ku daray in bartilmaameedsiga uu ahaa gaariga uu saarnaa mas’uulkan.
Ciidamada ammaanka iyo kuwa ilaalada kaymaha ayaa u gurmaday dadka ku dhaawacmay weerarkan, kuwaas oo loo qaaday isbitaalka heerka 4-aad ee Witu oo haatan lagu dabiibayo.
Saraakiisha ammaanka ayaa haatan ku daba jira kooxdii weerarka gaysatay, kuwaas oo goobta ka baxsaday.
Weerarkan ayaa sababay in dhowr baabuur iyo basas u socday magaalada Mombasa lagu hakiyay deegaanka hoose ee Witu.
Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran oo dhawaan bayaan soo saartay ayaa sheegtay in tirada dhimashada ay korortay ka dib markii uu geeriyooday mid ka mid ah labo qof oo uu dhaawacoodu cuslaa.

Post a Comment

0 Comments