Ticker

6/recent/ticker-posts

Ciidamada Booliska oo gacanta kusoo dhigay nin dil ka geystay Muqdisho

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay nin ku eedeysan dil maanta nin ganacsade ahaa loogu geystay gudaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

 

Ninkan ayaa waxaa soo qabtay ciidamada Booliska ee saldhigga degmadaas, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay taliska Booliska qaybta guud ee gobolka Banaadir.

“11/08/2023 Abaaro 13:30pm, Taliska Qeybta Guud Boliiska G.Banaadir Gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska degmada Hodan ayaa gacanta kusoo dhigay dhagar-qabaha sawirkiisu hoos idinka muuqdo” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay booliska gobolka Banaadir.

Sidoo kale taliska ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Post a Comment

0 Comments