Ticker

6/recent/ticker-posts

Faransiiska ayaa bilaabaya daad gureynta muwaadiniintiisa, muwaadiniinta Midowga Yurub ee afgambiga ku dhuftay dalka Niger

Wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa sheegtay in qorshayaal lagu daadgureynayo muwaadiniinta Faransiiska uu ka socdo dalka Niger, maalmo kadib markii madaxweyne Maxamed Bazoum ay afgambiyeen xubno ka tirsan ilaaladiisa madaxtooyada.

“Iyadoo la tixgalinayo xaaladda Niamey, shaqaaqadii ka dhacday safaaradeena maalin ka hor iyo xaqiiqda ah in hawada la xiray, muwaadiniinteena aysan ka bixi karin awoodooda, Faransiisku wuxuu diyaarinayaa daadgureynta muwaadiniintiisa iyo (muwaadiniinta kale ee Yurub)  doonaya in ay dalka ka baxaan,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda.

"Dad-gureynta ayaa billaaban doonta maanta," ayay raacisay.

Sida laga soo xigtay mareegaha wasaaradda, in ka yar 1,200 oo Faransiis ah ayaa Niger joogay 2022.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga ayaa sidoo kale sheegay Talaadadii in dowladdu ay diyaarin doonto duulimaad gaar ah oo lagu soo celinayo muwaadiniinta Niger ka dib afgambiga.

"Dowladda Talyaanigu waxay go'aansatay inay siiso muwaadiniinta kale ee ku sugan Niamey fursad ay uga baxaan magaalada oo ay u raacaan duullimaad gaar ah oo ku wajahan Talyaaniga," Wasiirka Arrimaha Dibadda Antonio Tajani ayaa soo dhigay barta fariimaha ee X, oo hore loo yaqaanay Twitter.

Ka saarista Bazoum ee 26-kii Luulyo - oo ah la wareegidii toddobaad ee militariga in ka yar saddex sano ee Galbeedka iyo Bartamaha Afrika - ayaa argagax ku riday guud ahaan gobolka.

Iyadoo Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS) ay cunaqabatayn ku soo rogeen Niger oo ay ku hanjabeen in awood loo isticmaali karo haddii Bazoum aan dib loogu soo celin toddobaad gudihiis, dawladaha millatariga ee Burkina Faso iyo Mali waxa ay sheegeen  loo arko fal dagaal oo iyaga ka dhan ah.

Axadii, taageerayaasha afgambiga ayaa gubay calanka Faransiiska, waxayna weerareen safaaradda Faransiiska ee caasimadda Niger, Niamey.  Ka dib, madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in weerar kasta oo ka dhan ah danaha Faransiiska ee Niger ay la kulmi doonaan "jawaab degdeg ah oo aan leexleexad lahayn".

Faransiiska ayaa waxaa muddo toban sano ah ka joogay gobolka ciidamo ka caawinaya la dagaalanka kooxaha hubeysan, balse qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya inay doonayaan in taliyihii hore ee gumeysiga uu joojiyo faragelinta uu ku hayo arrimahooda.

waxaa qoray wariye ayaanle mohamed ali


Post a Comment

0 Comments