Ticker

6/recent/ticker-posts

In ka badan toban askari oo Niger ayaa lagu dilay weerar ka dhacay meel u dhow xadka Mali

Wasaaradda difaaca ee Niger ayaa sheegtay in 20 askari oo kale ay kaga dhaawacmeen weerarka.

Askarta Niger oo gaaf wareegaya saxaraha Iferouane Febraayo 12, 2020 [Souleymane Ag Anara/AFP]

Ugu yaraan 17 ka mid ah askarta Niger ayaa lagu dilay weerar ay kooxo hubeysan ku qaadeen meel u dhow xuduudka dalka Mali, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee dalkaasi.

Sida lagu sheegay bayaan la sii daayay gelinkii dambe ee Talaadadii, "Ciidan ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee Niger (FAN) oo u kala gooshayay Boni iyo Torodi ayaa ahaa dhibbanaha weerar gaadmo ah oo argagixisanimo oo ka dhacay meel u dhow magaalada Koutougu (52km koonfur-galbeed ee Torodi)".

Waxa ay intaasi ku dartay in 20-askari oo kale ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhamaantood loo daad gureeyay magaalada Niamey ee caasimadda dalkaasi.

In ka badan 100 gacan-ku-dhiigleyaal ah ayaa “dhexdhexaad laga dhigay” intii ay ku guda jireen dib u gurashada, ayay ciidamadu sheegeen.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, aagga xudduudda ee bartamaha Mali, woqooyiga Burkina Faso iyo galbeedka Niger ay isaga tagaan ayaa noqday xudunta rabshadaha kooxaha hubaysan ee xiriirka la leh al-Qaacida iyo ISIL (ISIS) ee gobolka Saaxil.

Cadhada ka dhalatay dhiiga daadanaya ayaa sii hurisay la wareegida militari ee dhamaan saddexda dal tan iyo 2020, iyadoo Niger ay ugu dambeysay inqilaab 26-kii July markii xilka laga tuuray Madaxweyne Maxamed Bazoum.

Koonfur-bari Niger ayaa sidoo kale ah bartilmaameedka kooxaha hubaysan ee ka soo gudbaya waqooyi bari Nigeria - waa aasaaskii olole ay bilowday Boko Haram 2010-kii.

Hogaamiyayaasha afgambiga ayaa sheegay in xilka ka xayuubinta Bazoum ay sabab u tahay amni darada dalka ka jirta “sabato ah xaalada amaanka oo sii xumaaneysa iyo maamul xumo”.

Laakiin weriyaha Aljazeera Ahmed Idris, oo ka soo warramaya Abuja ee u dhow Nigeria, ayaa sheegay in dawladda millatariga Niger ay ka noqotay heshiisyadii ay la gashay millatariga Faransiiska iyo joojinta gargaarka saaxiibada kale ee Niamey "ay nolosha ka dhigayso mid aad u adag".

Hadda way ku adkaan doontaa Niger inay ka hesho qalab, hub iyo inay wax ka qabato kiisaska sii kordhaya ee weerarada kooxahan hubaysan ee Sahel… waxaa laga yaabaa inay ku tiirsanaato wadamada sida Mali iyo Burkina Faso khibrad iyo sidoo kale calooshood u shaqeystayaal.  kooxaha ka howlgalayay labadan dal,” ayuu yiri Arbacadii.

waxaa qoray warbixintaan wariye ayaanle mohamed ali

Post a Comment

0 Comments