Ciidamada Ruushka ayaa soo riday labo diyaaradood oo Yukreeniyaan ah oo la sheegay in laga leeyahay meel u dhow Moscow, sida uu sheegay duqa magaalada. Hawada gobolka ayaa muddo kooban la xiray intii ay ku guda jirtay duulaanka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Greece ayaa ogolaatay in ay u tababarto duuliyayaasha Ukrain si ay u duulaan F-16 kadib markii Denmark iyo Netherland ay sheegeen in ay diyaaradaha dagaalka ugu deeqi doonaan Kyiv.
Madaxa Wagner ee Ruushka Yevgeny Prigozhin ayaa soo dhigay muuqaal cusub kanaalkiisa Telegram, isagoo ka dhawaajiyay inuu Afrika joogo.
Duqeymaha Ruushka ee Kherson ayaa dilay hal qof: Guddoomiye
Oleksandr Prokudin, oo ah barasaabka gobolka Kherson ee dalka Ukraine, ayaa sheegay in duqeymaha Ruushka uu ka geystay gobolka uu ku dhaawacmay hal qof, islamarkaana uu ku dilay hal qof.
Wuxuu sheegay in haweeney 71 jir ah lagu dilay weerarradaas iyo nin 55 jir ah uu ku dhaawacmay.
waxaa qoray warnixintaan wariye ayaanle ayaanle mohamed
0 Comments